LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Cancer-ka Naaska (Breast Cancer).

 Cancer-ka Naaska: Fahamkiisa, Calaamadihiisa, iyo Daaweyntaba.


Cancer-ka naaska: waa cudur ku dhaca unugyada naaska, waxayna ka mid tahay noocyada kansarka ugu badan ee dumarka. In kasta oo loo tixgeliyo cudur aad u baahsan, waxaa muhiim ah in la fahmo calaamadaha, sababaha, iyo daaweyntiisa si loo kordhiyo fursadaha looga guuleysan karo.


Waa maxay Cancer-ka Naaska? 


Cancer-ka naaska waxaa lagu yaqaan inuu ka bilaabmo unugyada ku jira naaska, gaar ahaan xubnaha soo saarista caanaha sida ducts-ka (tubooyinka caanaha ay soo maraan) iyo lobules (meelaha caanaha ka soo baxa oo soo saara). Sida kansarrada kale, kansarkaan wuxuu bilaabmaa marka unugyo aan normal ahayn ay bilaabaan inay si xad dhaaf ah u qaybsamaan una bataan, taasoo keenta in ay sameeyaan burooyin.


Calaamadaha Cancer-ka Naaska.


Calaamadaha cancer-ka naaska way ku kala duwan yihiin qofba qofka kale, laakiin caadi ahaan waxaa ka mid ah:


1.Buro ama xanuun lagu arko naaska: Haddii buro ama lump la dareemo, waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa kansarka. 

2.Isbeddelka cufnaanta ama qaabka naaska: Naaska ayaa noqon kara mid ku dhaca ama ku soo laba kacleeya. 

3.Isbeddelka maqaarka naaska: Maqaarka naaska ayaa noqon kara mid casaada/ guduudta, ama dillaacsan. 

4.Qanjidhada gacmaha ee ku hareeraysan naaska: Qanjidhada waxay ku sameeyaan buro ama barar. 


Sababaha Ugu Waaweeyn ee Cancer-ka Naaska.


In kasta oo aan si buuxda loo garanayn sababaha dhabta ah ee cancer-ka naaska, waxaa jira arrimo qaar oo la ogaaday inay kordhiyaan halista cudurka waxaana kamid ah:


1.Da'da: Haweenka da'doodu ka weyn tahay 50 ayaa khatarta ugu badan ugu jira. 

2.Family history: Haweenka leh taariikh qoys oo kansarka naaska ayaa halis ugu jira inay qaadaan cudurka. 

3.Hormoonada: Isticmaalka hormoonada dheeraadka ah (sida pil-ka ka hortagga uurka) ayaa kordhin kara halista. 

4.Culayska iyo dufanka: Haweenka culeyska badan leh ama dufan badan ayaa sidoo kale khatar ugu jira. 


Daaweynta Cancer-ka Naaska.  


Daaweynta cancer-ka naaska waxay ku xirnaan doontaa nooca, heerka, iyo sida uu cudurka u faafay. 

Daaweynta Cancer-ka Naaska waxaa ka mid ah:


1.Qalliinka: Tani waa daaweynta ugu horreysa ee lagu sameeyo cudurka. Qaliinka waxaa lagu saaraa burooyinka ama naaska oo dhan.

2.Chemotherapy: Daaweyn kiimiko oo looga hortago faafitaanka unugyada kansarka.

3.Radiotherapy: Isticmaalka shucaaca si loo baabi'iyo unugyada kansarka. 

4.Tijaabada hormoonada: Haddii kansarku yahay mid ku xidhan hormoonada, daaweyn ka hortagaysa hormoonada ayaa lagu tijaabin karaa. 

5.Immunotherapy: Daaweynta ka caawisa nidaamka difaaca jirka inuu la dagaallamo unugyada kansarka. 


Maxaa Loo Baahan Yahay In La Sameeyo? 


Waxaa muhiim ah in haweenku ay sameeyaan baaritaanno joogto ah, sida mammography iyo isbeddelada naaska oo ay si dhow ula socdaan. Baaritaankani wuxuu kaa caawin karaa in kansarka la ogaado xilli hore, taasoo kordhinaysa fursadaha guusha ee daaweynta.


Gunaanad.


In kasta oo cancer-ka naaska uu yahay cudur halis ah, waxaa muhiim ah in la ogaado in horumarka lagu sameeyay daaweynta iyo ogaanshaha hore uu ka dhigtay dadka qaarkood inay guuleystaan. Haweenka waa inay ka taxadaraan caafimaadkooda, sameeyaan baaritaanno joogto ah, isla markaana la socdaan dhakhaatiirta si loo hubiyo caafimaadkooda naaska.

Post a Comment

0 Comments