Calool istaagu waa xaalad caafimaad oo aad ugu faafa jirka, taasoo keeni karta in uu qofku dareemo xanuun iyo dhibaatooyin kala duwan. Waxaa jira sababo badan oo keena calool istaaga, kuwaasoo ay ka mid yihiin cuntooyinka qaarkood, stress, cudurro xagga caloosha ah, iyo gaaska gudaha caloosha oo bata.
Maxaa Sababa Calool Istaaga?
Calool istaaga waxaa keeni kara dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:
1.Cuntooyinka: Cuntooyinka qaarkood sida cabitaanka acid-ka leh, hilibka adag, ama cuntooyinka ay ku jiraan qamadi ama protein badan ayaa keeni kara calool istaag. Sidoo kale, cunista xad-dhaafka ah ama cuntooyinka adag oo aan si fiican loo calalin/ruugin waxay sidoo kale keeni kartaa dhibaatooyinka caloosha.
2.Stress: Walbahaarka ama culeyska maskaxeed wuxuu saameyn ku yeelan karaa caloosha oo si khaldan u shaqeysa. Tani waxay keenaysaa in Acid-ka caloosha uu yaraado ama uu kordho, taasoo keenta calool istaaga.
3.Cudurro: Qaar ka mid ah cudurrada sida Irritable bowel syndrome (IBS), digestive disorders, iyo infections-ka caloosha kudhaca ayaa sidoo kale sababi kara calool istaag.
4.Lifestyle-ka: Dhaqanka nololeed ee aan wanaagsanayn, sida maqnaanshaha jimicsiga, cunista cuntooyinka aan fiicnayn, iyo isticmaalka khamriga ama sigaarka, waxay sare u qaadi karaan fursadaha lagu arki karo calool istaaga.
Sidee Looga Hortagi Karaa Calool Istaaga?
1.Cun Cuntooyinka Isku Dheeli Tiran: Iska ilaali cuntooyinka gaaska keenaya sida hilibka aan sifiican loo karin, cuntooyinka fast food-ka ah, ama cabitaanka acid-ka leh. Cun cuntooyinka hodanka ku ah fiitamiinada iyo macdanta si loo taageero caafimaadka caloosha.
2.Jimicsi: Jimicsiga joogtada ah wuxuu ka caawiyaa dhaq-dhaqaaqa caloosha iyo nuugista cuntooyinka. Sidoo kale, jimicsiga wuxuu ka caawiyaa in uu isdifaaco jirka iyo xoojinta habka dheefshiidka.
3.Ka Fogoow Stress-ka: Maareynta walbahaarka iyada oo la isticmaalayo farsamooyinka sida yoga, neefsiga qoto dheer, ama nasashada ayaa muhiim u ah caafimaadka caloosha.
Biyo badan cab: Biyaha waa qayb muhiim u ah shaqada dheefshiidka. In la cabbo biyo ku filan waxay ka caawineysaa caloosha inay si wanaagsan u shaqeyso.
Talo.
Haddii aad isku aragto calool istaag joogto ah ama dhibaatooyin kale oo dheefshiidka ah oo saameynaya noloshaada maalinlaha ah, waxaa muhiim ah inaad la tashato dhakhtar. Cudurrada sida IBS, infakshannada caloosha, ama xanuunnada kale ee caloosha waxay u baahan yihiin daaweyn gaar ah.
0 Comments